Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu wiil dhalinyaro ah toogasho ku dilay.
Dilkan oo warar kala duwan kasoo baxayaan ayaa ka dhacay Isgoyska Siinaay, degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho, waxaana ninkan magaciisa lagu sheegay Maxamed Abuukar Tuuryare.
Wararka qaar ayaa sheegaya inuu muran dhex maray Askariga dilka geystay iyo ninka dhalinyarrada ahaa oo la sheegay inuu saaka sagootinayey qof Eehelkiisa ka mida oo safar ahaa, halka warar kale sheegayaan inuu dilka u dhacay si kala shaki ah.
Askariga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana meydka ninka dhalinyarrada ahaa loo qaaday Xarunta dambi baarista ee CID-da si loogu baaro.
