War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in nin hubeysan uu isbitaal ku yaala magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ku qabsaday dad afduub ah, kuna hanjabay inuu dilayo.
Arrintan ayaa ka dhacday Isbitaalka Cerahpasa kadib markii nin hubeysan isku soo xiray qeyb ka mida isbitaalka, isagoo halkaasi ku heysta dad isugu jira bukaan iyo shaqaalaha Caafimaadka.
Warbaahinta Turkiga ayaa soo werisay in saraakiisha ciidamada dalkaasi ay waanwaan kula jiraan ninka hubeysan ee dadkii ku sugnaa isbitaalka Cerahpasa u heysta afduubka, wuxuuna ku hanjabay inuu dadkaasi leynayo isna is dilayo.
Bukaanadii kale iyo shaqaalaha isbitaalkaasi ayaa la daadgureeyay, waxaana jirta xiisad ku saabsan halka arrintan ku dambeyn doonto.
Wakaalado