Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in nin hubeysan uu Caawa saddex wiil oo wallaalo ah ku dilay xaafadda Alcadaala, degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Falkan naxdinta leh ayaa kadib Maqrbnimadii Caawa ka dhacay Xaafadda Alcadaala, agagaarka hotel Ramadaan, waxaan ninka falka geystay la sheegay inuu qaraabo la ahaa ragga uu dilay oo laba ka mida ay walaallo ahaayeen, halka midka saddexaad uu ilmo adeer la ahaa.
Dadka degaanka ayaa sheegay in labada wiil ee walaallada ah lagu kala magacaabi jiray Xasan iyo Xuseen, halka wiilka saddexaad magaciisa lagu sheegay C/llaahi oo dhaawac gaaray, balse ku dhintay isbitaalka loo qaaday.
Ninka falkan geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxayna wararku sheegayaan in arrintan ay salka ku heyso muran qoyska u dhaxeeya oo ku saabsanaa arrimo dhul.