Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in nin dabley ah oo ka mida ilaalada Hotel ku yaalla magaalada Muqdisho uu dil u geystay haweeney naafo ahayd.
Haweeneyda la dilay ayaa la sheegay inay ka mid ah dadka Baahiyaha gaarka ah qaba oo lug ka go’an, laguna magacaabi jiray Cadar, waxaana da’deeda lagu qiyaasay 50 sano jir, iyadoo uu xabad ku dhuftay nin ka tirsan ilaalada Hotelka Shamow ee Magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaasha falkan ayaa in saaka ay dad badan oo xarun halkaasi ku taalla u tageen lacag ay siiso hay’adda WFP, waxayna haweeneydan ka mid ahayd, waxaana la sheegay inay xabbada wadnaha uga dhacday oo ay goobta ku ruux baxday.
Ninka dilka geystay ayaa si caadi ah uga baxsaday goobta, iyadoo aanay cidna daba gelin, sida ay sheegeen dadkii goobjoogga ahaa.