Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa maanta la soo taagay nin u dhashay dalka Ingiirksa, laguna magacaabo Andrew Braian Irlam, kadib markii lagu soo eedeeyyay inuu Khasnado iyo Jaakado aanay xabbadu karin la galay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Ninkan ayaa lagu soo oogay dacwad ah khalkhal gelinta amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo uu ka duuli rabay,, isagoo ku sii jeeday dalka Imaaraadka Carabta, waxaana soo qabtay ciidamada Amniga 6-dii bishan July 2019.
Xeer ilaalinta ayaa kiiska Andrew Braian Irlam u cuskatay inuu carqaladeeyay nabadgelyadda Garoonka, isagoo aan ku wargelin laamaha amniga walxo qarxa oo uu ku watay boorso la geeyay xamuulka diyaradda, waxaana qareenada u doodaya muwaadin Ingiriiska ah ay sheegeen in waxyaabaha lagu qabtay aysan dhalin halis amni oo aysan ahayn waxyaabo qarxa.
Ninkan maanta kasoo muuqday Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaan ahayn nin kale oo Ingiriis ah bishii Janaayo ee sanadkan 2019 isna la soo xiray markii lagu helay inuu watay walxo halis ah oo uu doonayay inuu la raaco diyaaradda Ethiopian Airlines, kaasoo lagu magacaabi jiray Anthony Thomas Cox, mana jirto wax war ah oo laga maqlay kadib markii ay xabsi dhexe ku weerarreen xubno ka mida ISS. [Akhri warkan]
Dacwadda oo aan go’aan laga gaarin ayaa la sheegay inay maxkamadda Gobolka banaadir fadhiyo kale ka yeeland oonto.
HOOS KA DAAWO