Nin doonayay inuu dilo musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada Mareykanka Donald Trump ayaa lagu qabtay bannaanbax uu ku sugnaa musharax oo ka socday Las Vegas.
Ninkan ayaa isku dayay inuu sarkaal boolis ah ka qaato qori uu heystay kadibka toogto Donal Trump oo isu soo baxa ka khudbad ka jeedinayay, wuxuuna sheegay inuu doonayay inuu toogasho ku dilo musharaxa muranka badan dhaliyay.
Waxaa lagu magacabaa ninkan Michael Steven Sandford, wuxuuna booliska u sheegay inuu arrintan uga yimid magaalada California, isla markaana uu muddo tegay goobaha toogashada lagu barto. Sida ay soo werisay Wakaalada Wararka AP wuxuu si cad ugu sheegay ninkan booliska inuu qorsheystay inuu musharaxa Donal Trump ku dilo isu soo baxa Sabtida ka dhacayay Treasure Island Casino oo ahayd goobta lagu qabtay.
Dhinaca kale Musharax Donald Trump ayaa shaqadii ka eryay guddoomiyihii kooxdiisa ololaha doorashada Corey Lewandowski, taasoo ka dambeysay hoos u dhaca ku yimid ra’yiga dadka Mareykanka iyo siyaasadaha qalafsan ee musharaxan oo xitaa mas’uuliyiin badan oo ka tirsan xisbigiisa ay ka horjeedaan.
Wadani.com