Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in tahriibe ka soo jeeda dalka Itoobiya ay tooagsho ku dileen ciidamada Booliska Somaliland kadib markii uu isku dayey inuu ciidamada ka baxsado.
Taliyaha Laanta socdaalka Gabiley ee qaabilsan Xuduudka Tgwajaale Cabdirashiid Axmed Xasan ayaa sheegay in tahriibaha Itoobiyaanka ah oo kasoo jeeday Qawmiyada Oromada ee dalka Itoobiya uu ku Geeriyooday Togwajaale, kaddib markii uu ay haleeshay rasaas lagu riday xilli uu isku dayay inuu iidanka Booliska ka baxsado.
Ciidamada Booliska ayaa ka war helay goob ay ku sugnaayen tahriibayaal Itoobiyaan ah, iyadoo markii tahriibarayaasha arkeen booliska ay isku dayeen inay ka baxsadaan, waxaana dhacday in rasaas ay fureen uu ku dhintay Ninkan Itoobiyaanka ah ee Oromada Itoobiya kasoo jeeda.