Nin si lama filaan ah u dhex galay xaflad uu khudbad ka jeedinayey madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sababay inuu khudbadii ka ka joojiyo, kadib markii lasoo baxay Boor ay ku qoran yihiin ereyo looga horjeedo siyaasadaha madaxweynaha Mareykanka.
Ninkan oo lagu magacaabyo Ibraahim S. Samirah ayaa ah Muslim ka mida xisbiga Dimoqraadiga, oo kusoo dhex dhacay xaflad uu khudbadda ka jeedinayey magaalada Jameston ee Gobolka Virginia, isagoo la baxay Boor ay ku qornaayeen: “KU LAABO GURIGAADII MUSUQMAASUQA AHAA.. NACEYBKA MASAAFURI.. DIB NOOMA CELIN KARTID, VIRGINA WAA GURIGEENA..” waxaana muddo hakaday khudbadii Trump jeedinayay iyadoo ciidamada amniga ay ninkaasi ka kaxeeyeen goobta.
Ninka tallaabadan ku dhaqaaqay ee Ibrahim Samirah ayaa ah nin u ololeeya xoriyadda iyo dhaqtar ilkaha ah oo ku nool Virginia, wuxuuna saxaafada u sheegay inuu aad uga horjeedo siyaasadaha Cunsuriga ah ee madaxweyne Trump oo xilliga uu qaska ka abuuray khudbadiisa ka qeyb galayey xuska sanadguurada 400-aad ee Dimoqraadiyadda Mareykanka.