Qarax qasaare badan dhaliyey ayaa caawa ka dhacay Xaafadda Shiirkole ee degmada Hodon, Magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa Miino ayaa ka dhacay Guriga Taliyihii hore ee Booliska Degmada Hodon C/fataax Qoslaaye oo ay ku sugnaayeen dad dhowr oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qaraxa oo si weyn loo qorsheeyay.
Waxaa qaraxa ku dhintay xubno ay ka mid yihiin: C/raxman Cabdi Madoobe, Dige Cabdi Baale iyo , Nin la dhashay Guddoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Banaadir oo dhaawac kasoo gaaray qaraxa ii geeriyooday Isbitalak Digfeer.
Waxaa qaraxa ka badbaaday taliye hore C/fataax Qoslaaye, balse waxaa ku geeriyooday afar qof iyo dhaawacyo soo gaaray dad kale.
Muqdisho ayaa waxaa kusoo badanaya qaraxyada iyo dilalka qorsheysan bilo kadib markii xaaladda amniga ay soo hagaagtay oo la bilaabtay in loo dabaaldego xaaladda soo hagaagtay ee nabadgelyada.