Maxkamadad Ciidamada Qalabka Sida ayaa xabsi ciidan ku xukuntay nin ka tirsana Alshabaab oo lagu eedeeyay inuu u qaabilsanaa diiwaangelinta ganacsiyada cusub , kana mid ahaa qeytooda Amnyaadka.
Cali Abuukar Jimcaale Rooble, ayey ciidamada dowlada xireen 3 November 2022, isagoo ku eedeysnaa ka mid ahaanshaha oo uu u qaabilsanaa qaybta Amniyaadka.
Reerkiisa ayaa Cali Abuukar sanadkii 2010 u dhoofiyey dalka South Africa, kadib markii uu ku biiray Alshabaab, laakiin 7 sano kadib dabayaaqadii 2017 ayuu kusoo laabtay Muqdisho, isagoo aanay waxba iska bedelin sida ay sheegtay xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada Qalabka sida.
Mar kale ayey Alshabaab u wakiisheeen diiwaangelinta ganacsiyada cusub iyo sahmintooda, waxaana lagu celiyay tababar lagu barayo isticmaalka hubka, iyadoo hay’adaha Amniga dowladda ay kusoo eedeeyeen inuu maalmo lasoo qaatay Horjooge Cali Jabhad oo gobolka Sh/hoose ka howlgala.
Maxkamadeynta eedeysane Cali Abuukar ayaa bilaabtay 4 Maarso 2023, waxaana Maxkamaddu ku xukuntay Cali Abuukar Jimcaalle Rooble 8-Sano oo xabsi ciidan ah, sida uu sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan heerka 1-aad ee maxkamadda ciidamada qalabka sida.