Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay xireen afar qof oo looga shakiyey inay basaasayeen saldhigyada Ciidamada Kenya.
Afarta qof oo ay baaritaan ku hayaan ciidamada argagixiso la-dirirka Kenya ayaa waxaa ka mida Nin Soomaali ah oo heysta dhalshada dalka Canada, waxaana ninkan oo aan magaciisa la shaacin laga qabtay magaalda Nairobi, isagoo sawirro ka qaadaya Garoonka Moi ee ciidamada cirka Kenya oo ku yaalla Eastleigh.
Ninkan ayaa la sheegay inuu sawirro ka qaatay dhinacyad Garoonka Moi ee ciidamada Cirka, waxayna arrintan timid iyadoo shalay Alshabaab weerar ku qaaday saldhigga ciidamada cirka Mareykanka iyo Kenya ee Gacanka Manda, gobolka Lamu, halkaasoo lagu dilay 3 qof oo Mareykan ah.
Taliyaha Booliska Nairobi Philip Ndolo ayaa sheegay in ninkan la weydiinayo sababta uu sawirrada uga qaadayey saldhigga ciidamada Kenya. Sidoo kale Booliska Kenya ayaa sheegay in saddex qof oo kale lagu xiray magaalada Laikipia iyadoo sawirro ka qaadaya saldhig ay ciidamada Ingiriiska ku leeyihiin magaladaasi.