Wararka laga helayo dalka New Zealand ayaa sheegaya in magaalada Ganaciga dalkaasi lagu dilay Wiil Soomaali ah oo koox hubeysan ay rasaas ku fureen.
Dilka ayaa ka dhacay xaafad cusub oo dhowaan la dejiyey wiikan, kana tirsan Galbeedka magaalada Auckland, waxaana wiilka Soomaaliga da’diisa lagu sheegay 20 ilaa 30 sano jir.
Xubno ka mida Jaaliyadda Soomaalida ayaa sheegay in wiilkan uu kasoo jeedo degaanada Puntland loo adeegsaday rasaas, iyadoo dadkii dilkiisa geystay ay baxsadeen, waxaana ku raad jooga oo kiiskan gacanta ku haya Booliska.
Madaxa Dembi -baarista Booliska Lloyd Schmid ayaa sheegay in Boolisku ay si dhow ula shaqeynayaan qoyska dhibanaha, oo aan weli magaciisa la shaacin, maadaama habka aqoonsiga rasmiga ah uu weli socdo.
Booliska ayaa dadka ka codsaday inay wixii macluumaad ah ee ay hayaan la wadaagaan, waxaana falka Dilka wiilka Soomaaliga ah loo qabtay nin iyo haweeney ku eedeysan falka, iyadoo uu weli socdo baaritaanka.
Auckland ayaa ka mid ah magaalaayinka ay Soomalida ugu badan ee waddanka New Zealand ay degan yihiin.
