Nin Soomali ah ayaa u tartamaya doorasho lo gelayo Guddi maamulada Dekadda iyo Garoonka diyaaradaha Gobol ka mida dalka Mareykanka.
Ninkan oo lagu magacaabo Axmed Ismaaciil Cabdi ayaa ka mid ah musharraxiinta ugu cad cad ee doorashooyinka maamulka Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha ee gobolka Washington.
Doorashooyinka is-reeb-reebka loogu tartamayo kuraasta guddiyada maamulka gobolkaasi ayaa lagu wadaa inay qabsoomaan 7-da bisha November oo ay laba toddobaad ay naga xigto.
Ahmed Ismaciil ayaa rajo weyn ka qaba inuu ku guuleysto xilkan, isagoo taageero ka heysta dadyow kala duwan, isla markaana khibrad u leh arrimaha maamulka.
Axmed wuxuu doorashada kaga jiraa degaanka King County ee magaalada Seattle ee gobolkaasi.