Doorashaadiii madaxtinimada dalka Gambia ayaa la sheega inuu ku guuleystay hogaamiyihii kooxaha mucaaradka Adama Barrow.
Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Gambia ayaa sheegay in Yahya Jammeh oo ahaa madaxweynihii dalkaasi heystay muddo 20 sano ah uu qirtay in looga guulaystay doorashadii Khamiistii ka dhacday dalkaasi.
Natiijada doorashadan ayaan dad badan ka yaabisay, iyadoo ay ahayd wax lala yaabo in laga adkaado keli teliye muddo 20 sano ka badan dalkaas taladiisa heystay. Hadal rasmi ah ah kama soo bixin Yaxya Jamme kamana hadlin natiijada hordhaca ah ee tilmaamaysa in uu ka codad yaryahay Adama Barrow oo ah hogaamiyaha mucaaradka.
Yahya ayaa awooda Gambia afgambi kula wareegay sanadkii 1994-tii. Wuxuuna dakaasi ahaa mid awoodda lagu qabsado afgembiyo iska danbeeyay illaa xoriyadii 1965-tii.
Yaxye Jamme ayaa ahaa wadaad kitaab gaablow muslim ah oo sheegta arrimo fara badan oo khuraafaad ah sida inuu daweyn karo AIDS_ka iyo dhalmo la’aanta. Wuxuuna wareysi lala yeeshay ku sheegay inuu Bilyan sano talada dalkiisa heyn doono, wuxu mar kasta sitaa Ul iyo Kitaab.
Waa kuma Madaxweynaha cusub Adama Barrow?
Adama Baroow wuxuu ku dhashay tuulo u dhaw magaalada Basse 1965, kadibna London ayuu u wareegay sanadkii 2000 uu wax ka barnayay isla markaa uu ahaa nin ku shaqeysta waardiye, isagoo ilaalin jiray Bakhaarada shirkadda Argos department.
Wuxuu Gambia ku laabtay 2006, wuxuuna dhisay shirkad ganacsi. Wuxuu ku guuleystay in loo magacaabo musharraxa madaxweynaha 7 xisbi oo isbaheysi sameystay.
Wadani.com