Nin xaaskiisa ku dilay magaalada Muqdisho ayaa la xiray kadib markii ciidamada amniga ka shakiyeen xilli habeen ah isagoo dhiig leh.
Ninkan ayaa la sheegay inuu xaaskiisa toorey ku dilay iyadoo is qabatay muddo 12 maalmood ah, shilkan oo ka dhacay xaafad ku dhow saldhigga degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga naxay.
Haweeneyda la dilay ayaa magaceeda lagu sheegay Madiina Taajir, waxaan wallaalkeed uu sheegay in ninka uu muddo ka hor ka yimid qurbaha wax dhibaato ahna aysan ku ogeyn, balse markii uu falka dilka kula kacay uu isaga dhaqaaqay.
Ninka xaaskiisa dilay oo lagu magacaabo Cabdi Cali ayaa habeen hore meydka haweeneyda ku xiray gurigii ay ku wada noolaayeen, kadibna isaga tegay, waxaana markii danbe shalay laga soo saaray guriga oo ay ku xirneyd, iyadoo ay ninkii qabteen Ciidamda ilaalada madaxtooyada oo ka shakiyey xilli uu ku sugnaa degmada Xamarweyne.
Ninkan ayaa ciidamada u sheegay inuu xaaskiisa dilay, waxaana lagu wareejiyey saldhigga Xamarweyne oo kadib ku sii wareejiyey xarunta CID-da, halkaasoo lagu ogaaday inuu ahaa ninkii falka dilka ah xaaskiisa u geystay.