Ninkii hubeysnaa ee kaniisadda ku taalla Texas ku dilay 26 qof ayaa la sheegay in uu ka soo baxsaday cisbitaallka xannuunka dhimirka, sanadkii 2012-kii, sida lagu xusay warbixinta ay soo saareen booliska.
Saraakiisha El Paso oo Devin Kelley xiray shan sano ka hor waxay sheegeen “in uu halis ku ahaa naftiisa iyo dadka kale”. Kelley waxaa cisbitaalka la geeyay ka dib markii maxkamad la horgeeyay laguna oogay dacwad ah in uu ku xad gudbay xaaskiisa iyo wiil ay dhashay.
Wuxuu “isku deyay in uu dilo taliyayaasha ciidamadii uu ka tirsanaa”, sida ku xusan warbixinta. Saraakiisha waxay sheegayaan in maadaama ninkaasi lagu oogay eedo noocaas ah ay ahayd in looga mamnuuco in uu hub haysto.
Booliska El Paso waxay xireen Kelley oo ku sugnaa meel basaska laga raaco oo bartamaha magaalada ah, bishii June ee sanadkii 2012-kii, sida laga soo xigtay qoraal ay booliska soo saareen.
Booliska waxay sheegeen in Kelley uu ka cararay cisbitaalka dhaqan celinta oo ku yaalla New Mexico. Ninka ka warramay in la waayay Kelley wuxuu booliska u sheegay “in uu qabo xannuunada dhimirka”.
Kelley waxaa “la qabtay mar isagoo hub si qarsoodi ah u gelinayay xarunta ciidamada cirka ee Holloman”, sida booliska ay ku warrameen. Sanad ka dib, maxkaamad militari ayaa Kelley ku heshay dembi ah in uu si joogto ah ugu xad gudbay xaaskiisa iyo wiil yar oo ay nin kale u dhashay.
Waxaa lagu xukumay in hal sano lagu hayo xabsiga ciidamada badda. Baarayaasha FBI-da waxay sheegeen in ay weli isku deyayaan in ay furaan mobile-ka Kelley si ay wax uga ogaadaan sababta ku kalliftay in uu dad laayo.