Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, July 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Ninkii kooxda Daacish ee Muqdisho u duubi jiray Dadka la khaarijiyo oo Maxkamad lasoo taagay [Daawo Sawirro]

    Ninkii kooxda Daacish ee Muqdisho u duubi jiray Dadka la khaarijiyo oo Maxkamad lasoo taagay [Daawo Sawirro]

    July 21, 20183 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Nin lagu soo eedeeyay inuu muuqaallada Video-yada u duubi jiray kooxda Daacish ee falalka dilalka qorsheysan ka geystay caasimadda Soomaaliya ayaa maanta lasoo taagay maxkamadda ciidamada Qalabka sida.

    Ugu horreynba waxaa loo jeediyay eedda ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer ilaalinta ee ka koobneyd xilliyadii  uu ku soo qaatay kooxaha argagaixisada ee Alshabaab iyo Daacish uu ka tirsanaa ilaa 2013  ka hor inta uusan soo gelin gacant Ciidamada Amniga oo lagu soo qabtay isagoo ku jiro aasidda miino meel boodka ka ah fadhi ay ku leeyihiin bar kontrool ee ah halka loo yaqaano boo-boodka ee degmada afo’e ee gobalka shabeelaha hoose taariikhda markey aheyd 18/04/2018.

    Guddoomiyaah Maxkamadda Darajada 1-aad  ee ciidamada qalabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa weydiiyay eedeysane  Jaamac  Xuseen Xasan  jiritaanka dambiyada ay soo  jeediyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo in kale. Eedeysanaha ayaa ku jawaabay in ay sax tahay ka mid ahaanshiyaha kooxaha arga-gixisada ah balse isku deygiisii ugu horreeyay la soo qabtay isagoo gacanta kula jiro dambi.

    Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa kiiskan ku mashquulsanaa tan iyo markii la soo qabatay ilaa 17/05-16/07 ee sanadkan waxa ayna Intaas keddib xafiiska xeer ilaalinta garsorayaasha  weydiisteen in  loo ogolaado Maxkamadda  in  ay hor keeneen caddeymo ay ka mid yihiin qiraalKa  eedeysanah,  markaatiyaal ay ka mid yihiin ciidamada amniga ee  degmada afgo’e  ka soo qabtay eedeysanaha’, muuqaallo laga helay gurigiisa sida camero ay ku duubi jireen falalka argagixisada ah  oo ay kooxdu geysato iyo agab dheeraad ah sida fiilooyin batariyaal iyo qalab kale oo loo isticmaalo wax yaabaha qarxa.

    Sharaxaadda  baaritaanka eedeysanaha ayaa waxa ku dheeraaday Gaashanle Abuukar weli oo ka tirsan ciidamada  amniga gaar ahaan qeybta dambi baarista, waxa uu ka sheegay fadhiga Maxkamadda in ay ku ogaadeen arrimo ay ka mid yihiin dilal uu ka geystay Boosaaso, dagaallo uu ka qeyb galay ee ka dhacay gobalka  Bari ee maamulka Puntland iyo arrimo kale oo la xiriira dhibaatooyinka ay geysteen kooxaha argagixisada ah.

    Kabtan Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qlabka sida  ayaa fadhiga maxkamadda ka hor sharaxay cadeymaha la taaban karo oo isugu jiray muuqaallo iyo agab kale, waxaana daawashada muuqaaladaasi ka muuqday falal argagax leh  oo ah muuqaallo  laga dhex heley camirada lagu soo qabtay eedeysanaha.

    Ku xigeenka xeer ilaaliyaha  Kaptan   Maxamed Cabduqaadir ayaa ka codsaday  maxkmadda maadamaa eedeysanaha  muddo uu ku qanacsanaa daadinta dhigga in la mid ah inta uu geystay  ay ku fuliso maxkamddda.

    Xeer ilaaliyah guud ee ciidamada qalabaka sida G/sare  Cabdullahi Buula kamey ayaa eedda jeedinta dhankooda ah ku soo xiray in falka nuuca duubista ah ee kooxdan geysato uu yahay mashruuc uusan aheyn diin, waxa uuna maxkamadda ka cosaday in lagu fuliyo xukunnada qodobada ay ku soo eedeeyeen uu dhigayo.

    Dhanka kale qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa ku dooday in markii ugu horreysay ay u aheyd falkan uu geysto shaqsigan ay difaacayeen isla markaana la soo qabtay isagoo wax dhib ah geysan sidaas darteed ay codsadeen in loo naxariisto.

    Guddoomiyaha  Maxkamdda darajada 1-aad ee ciidamada qalaabka sida G sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga maxkmadda,  waxa uuna u sheegay dhamman ka qeyb galayaasha in go’aanka ay dib ka soo saari doonaan.

     

    Daacish ISIS Maxkamadda Ciidamada Muqdisho Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMas’uul ka tirsan Wasaaradda Diinta & Awqaafta Somalia oo Qarax lagu dilay Muqdisho & Dad loo qabtay
    Next Article Dagaalka Warbaahinta Dalalka Sacuudiga & Qatar ee Xajka oo Cirka isku shareeray [Daawo Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo