Maxkamad ku taalla dalka Newzealand ayaa xukun ku riday ninkii dad badan oo muslimiin ah ku laayey dalkaasi sannadki hore markii uu weerar ku qaaday Masjid ku yaalla magaalada Christchurch.
Brenton Tarrant oo ka tirsan Caddaanka cunsuriyiinta ah ayaa 51 qof oo Muslimiin ahaa ku dilay laba masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka Newzealand, wuxuuna si toos ah dilkaasi ugu baahiyey baraha bulshada, iyadoo dunida ay si weyn u gilgishay dhacdadaasi.
Garsooraha maxkamadda sare ee NewZealand Cameron Mander ayaa ku dhawaaqay xukunka Khamiista maanta, iyadoo lagu xukumay Xabsi daa’in aan rafcaan lahayn, wuxuuna caddeeyay in dembiyada ninkani galay aanu jirin xukun u dhigma.
Ninkan naceybku ka buuxo ayaa ah 29 sano jir u dhashay dalka Australia, waxaana la sheegay inuu iskiis u noqday caddaanka xag-jirka ah ee aaminsan in dadka cad ay ka sareeyaan dadka kale.


