Ciidanka Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA ayaa la sheegay in qabteen nin la tuhunsan yahay inuu Alshabaab ka tirsan yahay oo diyaarinayay waxyaabaha qarxa.
Ninkan oo lagu qabtay Guri ku yaala degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa la sheegay inuu gacanta kula jiray qaraxyo qaarkood lagu xiray Kombiyuutarada Labtop-ka ah loo yaqaan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkani uu uu diyaarinayay ilaa 7 Computerada Labtopka ah iyo Gaari dhammaantood loogu talo galay in qaraxyo lagu geysto.
Muddooyinkan dambe ayay ciidamadu la soo baxeen inay ka hortagaan falal amni darro iyagoo marar badan fashiliyay qaraxyo aan fulin, halka markii hore ay ku koobnaayeen ka daba tag.
Wadani.com