Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA ayaa goor dhoweyd soo saartay farriin Digniin ah oo aan hore loo arag, kuna saabsan Qorshe la rabo in lagu dilo madaxda dowladda Federaalka.
Hay’adda oo aan sanadkan 2022 wax Warr ah kasoo bixin ayaa saaka aroortii soo qortay farriin ay ku sheegeyso inay madaxda dowladda ku wargeliyeen halis ay Alshabaab maleegeyso oo ay ku dooneyso inay ku beegsadaan Farmaajo iyo Rooble.
“Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada Alshabaab oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo Alshabab ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh” ayaa lagu qoraalkan oo dad badan ka yaabiyey.
Siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood ayaa arrintan u fasirtay inuu jiro qorshe lagu doonayo in lagu dilo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana sii kordhaya khilaafka dhammeystirka Doorashada dalka.
Waa markii ugu horeysay ee hay’adda NISA ay shaaciyo arrin sidan oo kale ah, kana sii digto beegsiga madaxda dowladda, gaar ahaan kuwa ugu sareeya oo ahayd howshii loo xilsaaray inay ka hortagaan.
