Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka NISA ayaa shaacisay in gacanta lagu soo dhigay ninkii hoggaaminayey qaraxyadii maanta Muqdisho ka dhacay oo dad badan ku dhinteen.
Qoraal kasoo baxay NISA aya lagu sheegay in iyadoo la kaashanayo shacabka ay gacanta kusoo dhigeen hoggaamiyihii qaraxyada Alshabaab iyo Darawalka gaarigii labaad.
“Ciidanka NISA oo kaashanaya shacabka ayaa gacanta kusoo dhigay hogaamiyihii howlgalka qaraxyada Alshabab ee maanta shacabka lagu gumaaday iyo wadahii gaarigii danbe oo asagoo ciidanka NISA gacanta kuhayo qarxay, kadib markii shacabka laga fogeeyay..” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay NISA.
NISA ma bixin wax faahfaahin ah, mana soo bandhigin caddeymo ku saabsan dadka qabtay ee ay sheegatay, iyadoo dhowaanahan ay Hay’adda NISA baahiso warar noocan oo kale ah, iyadoo aan wax caddeymo ah keenin.
Qaraxa labaad ayaa la sheegay inay ku dhinteen laba qof oo ku dhex jiray Dugsiga Yaasiin Cismaan ee udhow Daljirka Dahsoon.