Hay’adda Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugidda ay kala eryeen koox yar oo ka tirsan Alshabaab oo dooneysay inay Miino ku aasaan wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan degaanka Ceelasha Biyaha.
Kooxdan oo aan tiradooda la sheegin ayay NISA shaacisay inuu iska hor imaad dhex maray ciidamo Nabadsugidda ka mida oo howlgal ku jirtay kadibna ay baxsadeen.
Maanta ayay ahayd markii degaanka Lafoole ay miino kula qaraxday ciidamo kolonyo ahaa oo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka, iyadoo qaraxaasi uu qabsday mid kamida gaadiidkii ciidamada oo 4 askari isla goobta ku dhinteen, halka lix kalena ku dhaawacmeen.
Wadani.com