Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka ee NISA ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay xubin ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, kadib hawlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho.
Qoraal la soo dhigay Barta Twitter-ka Hay’adda Nabadsuggida ayaa lagu sheegay in ciidamada NISA ay qabteen ruux Shabaab ka tirsan oo qaraxyo maleegaayay, laakiin ma jirto faahfaahin laga bixiyey qofkaasi, iyadoo aan la sheegin halka lagu qabtay.
Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ayaa si joogto ah u shaacisa in hwlgallo ay ka sameeyeen Muqdisho lagu soo xubno Shabaab ah, iyadoo aanay jirin faahfaahin taageereysa sheegashada NISA.