Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliyeed ee NISA ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay qoys ka kooban Hooyo iyo Saddex caruur dhalinyaro oo ay dhashay, kuwaas oo lagu soo eedeeyay in ay yihiin Al-shabaab, isla markaana ay heysteen hub.
Qoyskan ayay Hay’adda NISA lagu soo qabtay Hub kala ah Labo Qori oo AK47 ah iyo Hal Baasasuuke. Saraakiisha NISA ayaa intaa ku daray in Ciidamada Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan Alshabaabka ah.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii ciidamada Nabad Sugidda howlgallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Afheyeenka Gobolka Banaadir, Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in howlgal saakay ay ciidamada NISA ka sameeyeen degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ay ku soo qabteen hub isugu jira qoryaha fudud iyo kuwa culus oo yaalay guri ay degnaayeen hooyo iyo saddex carruur ah oo ku yaal degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Wadani.com