Hay’adda Nabadsuggida iyo Sirdoonka Somaliya (NISA) ayaa soo bandhigtay muuqaallada laba xubnood oo ka tirsanaa Shabaab, iskuna dhiibay Ciidamada dowladda Federalka Somaliya.
Waxay xubnahan iska dhiibeen Gobolka GHedo sida lagu sheegay war kasoo baxay Hay’adda NISA, waxayna kala ahaayeen laba Sarkaal oo ka howlgali jiray Gobolka Gedo. NISA ayaa faahfaahisay shaqada ay qaban jireen labada Sarkaal ee la soo bandhigay.
“Sagaal (9) sarkaal oo Al Shabab ah ayaa asbuucii lasoo dhaafay iska soo dhiibay Gobalka Gedo. waxaa ka mid ah labadaan sarkaal oo kala qaabilsanaa maktabka Dacwada( Propaganda-da) Xizbada iyo Maktabka (Fursaanul Xizba).”
Waa markii ugu horeysay Nabad Suggida Somaliya ay soo bandhigto Sawiradda xubno Shabaab ka tirsanaa oo isku soo dhiibay Ciidamada tan iyo markii Fahad Yaasiin uu la wareegay maamulka Hay’adda NISA, iyadoo looga bartay warar kooban oo aan caddeyn wadan.