Guddiga maamula Hay’adda dalka Norway ee bixisa Billada Caalamiga ah ee loo yaqaan Nobel Peace Prize ayaa sanadkan 2018 siisay Billadaasi dad aan la fileyn.
Labada qof sida wadajirka ah ugu guuleystay Biladda ayaa kala ah: Denis Mukwege and Nadia Murad, waxaana markan billada loo qoondeeyay dadka u dooda xuquuqda aadamiga, siiba dumarka iyo tacadiyada jinsiga ah ee loo geysto goobaha colaadaha ka jiraan.
Ninka Dhaqtarka ee lagu magacaabo Denis Mukwege, ayaa lagu abaalmariyey billada Nobel Peace Prize, isagoo la sheegay inuu noloshiisa u huray sidii uu gargaari lahaa haweenka jinsi ahaan loo dhibaateeyo ee tacadiyadda kala kulma ragga, waana dhaqtar u dhashay oo ka howlgala dalka Democratic Republic of Congo.
Nadia Murad waa gabar 23 sano jir ah, waxay ka mid ahayd kumanaan kasoo jeeda Qowmiyada Yaziidiniyiinta dalka Ciraaq, waxayna si furan uga hadashay sanadkii 2016 dhibatadii ay u geysteen dagaalyahannadii kooxda ISIS, markii ay qafaasheen oo ay adoon u heysteen, intii aanay ka baxsan.
Gabadhan oo meelo badan dunida lagu maamuusay waxay danjire sharafeed ka tahay Qaramada Midoobay, iyadoo ka qeyb gashay shirar caalami ah, waxaana warar badan laga sameeyay noloshii lagu adoonsaday iyo tacadiyadii loo geystay.

