Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilo ka socday dowladaha Turkiga iyo Norway oo wada qorshe dib loogu bilaabayo wadahadalkii Soomaaliya iyo Somaliland.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada waxaa labada ergay ee Turkiga, AykutKumbaroğlu, iyo Nowray, Marwo Heidi Johansen ku wehliyey Danjireyaasha Dowladda Turkiga Mudane Mehmet Yılmaz iyo Si-ihayaha Xilka Danjiraha Dowladda Norway ee Soomaaliya Haakon Svane.
Xasan Sheekh ayaa u sheegay Wakiilada Gaarka ah ee dalalka Turkiga iyo Norway sida ay uga go’an tahay dib u soo celinta wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladaha Turkiga iyo Norway sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan dib u soo celinta wada-wadahadallada DFS iyo SL, waxa uuna xusay qorshihiisa qaran ee la xiriira Soomaali Heshiis ah, taas oo ay qeyb ka tahay xal u helidda tabashada ay qabaan walaalaha Soomaaliland.
Dhankooda, Wakiilada Gaarka ah ee Turkiga Mudane Aykut Kumbaroğlu, Norway Marwo Heidi Johansen iyo diblumaasiyiinta dalalkaas ee uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay xal u helidda caqabadaha dib u dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso colaadaha, khilaafaadka siyaasadeed iyo dib u heshiisiin la’aanta bulshada.
Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu danbeysay la wareegtay waanwaanta Somallya iyo Somaliland, balse waxaa hadda muuqata in Norway iyo Turkiga ay kusoo laabteen.
