Bankiga Adduunka ayaa shaaciyey inay Soomaaliya iska nadiifisay lacagtii uu ku lahaa Bankigaasi ee deynta ahayd, ayna xaq u yeelaneyso inay hadda wixii ka bilowda ay Deyn ka hesho Bankiga.
Arrintan ayaa xalay lagu dhawaaqay, iyadoo dib loo soo celiyey xiriirka caadiga ah ee Dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka oo muddo 30 sano ku dhow aan jirin, waxayna Soomaaliya mar kale heli doontaa deynta Bankiga Adduunka ee lagu maalgeliyo mashaariicda lagu yareynayo saboolnimada, korna loogu qaadayo dhaqaalaha dalka.
“Waxaan u hambalyeynayaa dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaartay heerka u ogolaanayaa Soomaaliya in ay hesho taageero dhaqaale oo ka imaanaysa Bankiga aduunka si loo horumariyo nolosha dadka, tani waxay salka u dhigaysa soo kabasho dhaqaale iyo mid bulsho waxaan u mahad celinayaa dowladda Norway oo fududeysay habka deyn cafinta” ayuu yiri agaasimaha Bankiga Adduunka Axel van Trotsenburg.
Dowladda Norway ayaa Soomaaliya ka taageertay inay bixiso deyntii uu Bankiga Adduunka ku lahaa Soomaaliya oo gaareysay $365.9 Milyan oo Doolar, si ay Soomaaliya xaq ugu yeelato inay deyn cusub ka hesho Bankiga Adduunka, waxaana arrintan qeyb ka ah Hey’adda lacagta Aduunka (IMF) iyo Bangiga Horumarinta Afrika.
Wasiirka Arrimaha Dibbadda ee Norway Ine Eriksen Søreide ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay in Dowladda Norway ay kaalinr wanaagsan ka qaadato deyn cafinta Soomaaliya si ay fursad ugu hesho maalgalinta Hey’adda Horumarinta caalamiga iyo in Soomaaliya tallaabo kale oo muhiim ah u qaaday hannaanka cafinta Deymaha haray.
WARAR KU SAABSAN AKHRISO