Ciidamada Nabadsugidda Qaranka ayaa saaka waaberigii xilli danbe ku jarmaaday degaanka Ceelasha Biyaha ee degaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho iyadoo howlgal lagu qaaday goob la tuhunsanaa ay iska hor imaad la galeen koox ka tirsan Alshabaab oo qorshe weerar abaabuleysay.
Howlgalka oo saaka aroortii kadib salaadii subax lasoo gabagabeeyay ayaa dhaliyay iska hor imaad dhex maray labada dhinac, waxaana iska hor imaadkaasi ku dhintay mid ka mida dableyda Alshabaab iyo askari ka tirsan ciidamdaa NISA.
Waxaa howlgalka lagu soo qabtay 5 xubnood oo NISA ay sheegtay inay ahaayeen xubno lagu raad joogay, waxaana lala qabtay hub fudud oo ay heysteen.
Waa howlgalkii ugu qorsheysnaa oo NISA ay ku sheegtay inuu ahaa mid sirdoon oo xog la helay lagu qaaday kooxda Alshabaab ka tirsan ee abaabulka ka waday degaanka Ceelasaha.
Waxa howlgalka lagu toogtay dhagar qabe iskudayay inuu dagaalamo, waxaa ku shahiiday askari gudanayay waajib Qaran.#NISAopps
— NISA (@HSNQ_NISA) January 29, 2016
Wadani.com