Madaxweynaha Mareykanka ayaa ogolaaday inuu dib ula laabto sharcigii caafimaadka ee lagu bedeli lahaa Obama Care oo ah shariga hadda ka shaqeeya dalka Mareykanka.
Saacadihii ugu dambeeyay ay dib ula laabteen sharciga kadib markii uu heli waayay codad ku filan, waxaana arrintan shaaciyay afhayeenka Baarlamaanka ee Jamhuuriga Paul Ryan oo sheegay inuu la xiriiray madaxweyne Trump oo ay isku waafaqeen in Sharcigii ay wadeen ay dib ula laabtaan.
Balanqaayadii ugu waaweyn ee ee ay doorashada ku galeen Madaxweyne Trump iyo xisbiga Jamhuuriga ayuu ugu horeeyay inay meesha ka saaraan sharciga Obama Care, waxaana arrintan loo arkaa fashil weyn iyo weji gabax ku yimid madaxweynaha talada haya iy xisbigiisa.
Trump oo hadlay kadib markii sharcigiisii caafimaadka uu fashilmay ayaa sheegay inay wax waliba sameeyeen si loo bedelo Obama Care, laakiin aysan heli codadkii ay u baahnaayeen, laakiin aysan dhicin hal cod oo Xisbiga Dimoqraadiga ah ay helaan.
Ma jiro qorshe kale oo lagu bedelayo sharciga dib loo celiyay, waxaana Donald Trump uu sheegay in sharciga Obama Care uu burburi doono iskiisna u qarxi doono isagoo sheegay in kuwa guul darreysatay ay yihiin hogaamiyeyaasha xisbiga Dimoqraadiga.
Arrinta la yaabka leh ayaa ahayd in xubnaha midigta ee xisbiga Jamhuuriga ay diideen inay u codeeyeen sharciga cusub, waxaana xisbiga Jamhuuriga ka dhex muuqatay inuu kala qeybsan yahay.
Wakaalado