Jilaaga ruugcadaaga ah ee Ruushka Krasko, oo door wey ku lahaa filimo badan oo Ruushka laga sameeyay iyo musalsalo TV-yada Midowgii Soofiyeeti ka bixi jiray ahaana jilaa dhinaca masrixiyada caan ku ahaa xiligiisii ayaa guursaday gabar ardayad ah oo lagu magacaabo Natalya Shevel.
Guurkan oo ku waqtiyeysan muddo 7 sanadood ah ayaa la -yaabka sheekada ku jira wuxuu yahay in Jilaagani cajuusoobay ay da’diisu tahay 84 sanadood halka gabadhuna ay 24 sanadood jirto, wuxuu ja weyn yahay 60 sanadood ku dhan.
SAWIRADA LA YAABKA LEH IYO SIDA AROOSKU U DHACAY KA DAAWO HOOS


Lamaanahan ayaa guurkooda ka dhigtay magaalo yar oo ka dhacday, waxaana kasoo qeyb galay saaxiibo iyo qaraabada labada lammaane
[ad name=”HTML-7″]

Wuxuu odaygan sheegay inuu dareemayo inuu 23 sano jiro markii uu xafladii arooskooda soo xaadiray.
84-year-old Russian actor Ivan Krasko and 24-year-old Natalya Shevel Photo: CORBIS

Odaygan Krasko waxay kala tageen haweeney uu hore u qabay Natalya Shchepinsky — isagoo 47 jir ah, markii ay kala tageen 2011. wuxuu dhalay lix caruur ah waxaana caruurtiisa ka mida jilaa caan ah oo lagu magacaabo Andrei Krasko, balse geeriyooday isagoo 49 jir ah kadib markii uu wadnaha istaagay.
Source: telegraph
[ad name=”HTML-7″]