Dabley loo maleynayo inay ka tirsan tahay kooxda Alshabab ayaa toogasho ku dishay oday dhaqameed caan ah, magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Falkan ayaa xalay ka dhacay magaalada ayaa lagu khaarijiyay Nabaddoon Caan ah oo lagu magacaabi jiray Ibraahin Qorax, xilli uu kasoo baxay masjid uu ku tukaday salaadii Cishaha.
Dableyda falka dilka ah u geysatay nabadoonka ayaa baxsaday. Guddoomiyaha Baardheere ayaa sheegay in laba nin oo Bistoolado ku hubeysan ay dileen Nabaddoon Qorax wuxuuna ku eedeeyay in kooxda Alshabaab.
Nabadoon Qorax ayaa ka mid ahaa odayaasha sida weyn looga qadariyo gobolka Gedo, waxaana falkan uu qeyb ka yahay olole lagu ugaarsanayo odayaasha xilligan lagu jiro doorashada.
Wadani.com