Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Oday Jawaari fariimo culculus ayuu diray, kuwa dagaalna kama marnayn [Qormadii C/raxmaan C/Shakuur]

    Oday Jawaari fariimo culculus ayuu diray, kuwa dagaalna kama marnayn [Qormadii C/raxmaan C/Shakuur]

    April 12, 20183 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaan aqriyeyey Khudbadii is casilaada ee Gudoomiye Jawaari. Khudbada oo 10 bog ahayd ayuu Odaygu fariimo culculus ku diray, iyadoo kuwa dagaalna aysan ka marnayn. Waayo aragnimo iyo xirfad sare ayaa ka muuqatay luqada ay ku qornayd iyo macnaha ereyada ay xambaarsanayd.

    1- Odaygu wuxuu sheegay in ragii ay is hayeen uu isagu ka roonaaday, isagoo tusaale u soo qaatay qisadii Nabi Ayuub (CS) uu labada haween u kala xukumay canugii ay isku qabteen. Nabigga ayaa yiri aan idiin kala jaro, laakiin haweenaydii canuga dhashay ayaa tiri ha kala jarin ee iyada sii.

    2- Odaygu wuxuu tilmaamay hadii aysan tanaasulkiisa ahayn in Baarlamaanka labo u kala jebi lahaa, lagana yaabi lahaa in dhiig ku daato, maadaama awood sheegad meesha soo galay.

    3- Odaygu wuxuu si kalsooni leh u sheegay hawlqabadkiisii iyo halka uu Baarlamaanka uga tegayo, isagoo 10 mar ku celiyey “waxaan idinkaga tegeyaa Baarlamaan”

    4- Odaygu wuxuu ka dardaarmay ilaalinta Dastuurka, isagoo ka digay cawaaqib xumida ay leedahay in Dastuurka lagu tunto. Wuxuu kaloo tilmaamay halgankii laga soo maray dhismaha hay’adaha dastuuriga ah, isagoo si dadban ugu dusiyey raga haatan hoggaanka haya in ysan qayb ka hayn halganka.

    5- Oday wuxuu kaloo ka dardaarmay Madaxbanaanida Baarlamaanka. Wuxuu ka digay in hadii awooda laanta fulinta iyo sharci dejinta hal gacan ku dhacdo ay ka dhigan tahay kali talisnimo, lagana yaabo in dalka dib colaad sokeeye ugu noqdo.

    Khudbada Odayga waxay ahayd dardaaran, dagaalna kama marnayn. Wuxuu fariin dagaal oo maldahan u diray Madaxda fulinta iyo raga kale ay is hayaan. Inkastoo uusan marna magac dhabin madaxda laanta fulinta (madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha), laakiin way cadayd in uu fariimaha dadban iyaga ku weeraray.

    Sidoo kale, wuxuu fariin weerar dadban ku riday Baarlamaankii sideedaad, kasoo ay gudoon ka ahaayeen raga beshiisa ah ee dagaalka kaga adkaaday (Shariif Xasan iyo Aadan Madoobe). Odayga ma hilmaamin Muudeey, wuxuuse la sugay laadka ugu dambeeya, isagoo yiri

    “Mudane Guddoomiye, si waafaqsan dhaqanka dawladeedka, laga bilaabo maanta uunbaad tahay Ku-sime Guddoomiye”

    Jawaari wuxuu ahaa Oday xirfad xeelad badan oo in badan nidaamka Dawliga ah ku soo jiray, laakiin ma ahayn siyaasi. Mar walba xoogag siyaasadeed oo ishaya ayey gudoomiyenimadu fataq uga soo dhex lahayd (free rider).

    Sanadkii 2012 wuxuu Gudoomiye noqday ka dib markii Qabiilka Hawiye iyo Daarood isku bahaysteen in ay Prof. Cali Khaliif ka hor istaagaan Gudoomiyaha, halka sanadkii 2016kiina ay sidoo kale C/rashiid Xidig ka hor joogsadeen gudoonka.

    Shaqo la taaban karo ayuu Baarlamaanka ka qabtay, laakiin saldhig (base) siyaasadeed ma dhisan, isbahaysi siyaasadeedna lama gelin awoodaha dalka ka jira. Taas ayaa sababtay in weerarkii siyaasadeed ee ugu horeeyeyba uu daaqada si sahlan uga faniino.

    Machiavelli ayaa la sheegay in ay laga maarmaan tahay in hoggaan siyaasadeed uu leeyahay xeesha (skills) dawacada, iyo dhiirrida (courage) Libaaxa. Oday Jawaari tan hore ayuu lahaa, laakiin tan danbe wax badan loogama deeqin. Baarlamaanka wuu tebi doonaa, laakiin kama tegin taageerayaal badan oo xusuusan doona.

    W/Q: Abdirahman Abdishakur Warsame

    C/raxmaan C/shakuur Jawaari Khudbadii Jawaari
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSafiirka Itoobiya ee Soomaaliya oo dhaqdhaqaaqyo shaki dhaliyey ka wada Magaalada Baydhaba
    Next Article SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Xuska sanadguuradii 58aad ee Ciidamada Xoogga Dalka

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo