Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in lagu dhawaaqay dhismaha maamul goboleed uu yeesho Gobolka Hiiraan.
Shir ka dhacay magaalada oo ay ka qeyb galeen odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin ku sugan yihiin magaalada, waxaana goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo xubno kale.
Waxaa shirka looga dhawaaqay in maamulka Hiiraan uu maalmaha soo socda ku dhawaaqayo maamul goboleed u gaara. Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa sheegay in Dastuurka Maamulka Hiiraan uu diyaar yahay.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa isna shirka ka sheegay in Hiiraan ay isku tashaneyso mar haddii laga talogelin waayay shirka Jowhar laga wado sida uu yiri.
Wadani.com