Ciiidamada Dowladda ayaa xabsiga dhigay Odayaal dhaqameed la sheegay inay ka qeybgaleen xaflad ay Alshabaab ku casuubtay.
Odayaashaan ayaa lagu xiray degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan. Taliyaha Ciidamada Degmada Jalalaqsi Faarax Aadan Gaafoow ayaa sheegay in Odayaashan ay gaarayaan 10 Oday ayna ku hayaan xabsiga degmada Jalalaqsi.
Odayaasha ayaa loo heystaa inay tageen degaan duleedka ka ah Jalalaqsi oo ay ka soo qeybgaleen xaflad lagu caleemo saaray Nabadoon taageersan Alshabaab.
Odayaasha ayaa tegay degaanka Buurweyn oo 30-km u jirta Jalalaqsi, lama oga waxa laga yeeli doono arrintooda inkastoo laga yaabo inay u tageen cabsi ay ka qabaan Alsahbaab oo aanay diidi karin.
Wadani.com