Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa xabsiga dhigay odayaal ka gaabiyay inay soo qabtaan askari dil geystay.
Odayaashan ayaa xabsiga magaalada Beledweyne la dhigay Axadii kadib markii guddoomiyaha Gobolka Hiiraan u yeeray odyaashaasi oo uu kala hadlayo arrinta askari ay isku heyb yihiin.
Guddoomiyaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Foodcadde ayaa sheegay in odayaasha oo xalay habeenkii labaad ku hoyday Xabsiga Beledweyne aan la sii deyn doonin.
Odayaasha ay isku heyba yihiin askariga dilka geystay ayaa sheegay inaysan wax shaqo ah ku lahayn askariga oo dowladda u qoran yahay, iyaduna ay dareyska iyo hubka siisay, lagana rabo maamulka inuu soo qabto.
Is mari waaga ka taagan arrintan ayaa saameyn ku yeeshay maamulka gobolka Hiiraan iyo beesha uu askariga kasoo jeedo.
Wadani.com