Odayaasha leh saxiixda afar kursi ayaa markii ugu horeysay liiska ergada kuraastaasi ku wareejiyey Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT.
Arrintan ayaa qeyb ka ah isbedelka lagu sameeyay habraaca doorashada oo hore ergo aan laga warqabin ay dooran jireen kuraasta, waxaana kuraasta ergadooda la gudbiyey ay kala yihiin:
HOP#262: Waxaa kursiga hore ugu fahiday Fawsiya Yuusuf Xaaji
HOP#229: Waxaa hore ugu fadhiyey Cabdullahi Cusman Ducaale
HOP#254: Waxaa hore ugu fadhiyay Jaamac Maxamed Askar
iyo HOP#255: Kursigan waxaa hadda ku fadhiyey Axmed Maxamud Maxamed
Liisaska ergada loo gudbiyey Guddiga Doorashada Somaaliland ayey soo hubiyeen odayaasha. waxaana la filayaa in afarta kursi la doorto maalmaha soo socda.
Khilaaf soo dhex galay dhinacyada siyaasadda Somaliland ee ay kala hoggaamiyaan Cabdi Xaashi C/laahi iyo Mahdi Maxamed Guuleed ayaa goor dhoweyd uu shaaciyey xafiiska ra’iisal wasaaraha in xal laga gaaray.
