Odayaasha iyo Mas’uuliyiinta degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa Ra’iisal wasaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku wareejiyay Gaadiid dagaal iyo Maleeshiyo hubeysan oo degaankaasi kasoo jeeda.
Gaadiid kuwa loo yaqaan tiknikada oo oo gaaraya 11 oo ay ka mid yihiin 2 Beebe iyo Maleeshiyaad hubeysan oo 100 ka badan ayaa lagu wareejiyay Ra’iisal wasaaraha, waxaana hubka iyo ciidamadan ay hore dagaallo faraha looga gubrtay ula galeen ciidamada Ahlusunna oo ku duulay degaanka Xeraalke.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa markii uu la wareegay maleeshiyada iyo hubka degaanka Xeraale ayaa sheegay in dhaqancelin loo sameyn doono, islamarkaana ay ka mid noqon doonaan Ciidanka xoogga dalka.



