Kulan magaalada Baydhaba ku dhex maray Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Odayaasha dhaqanka degaankaasi ayaa looga hadlay xaaladii ka dhalatay Doorashadii K/Galbeed December 2018, dadkii lagu dilay bannaanbaxyo ka dhacay magaalada iyo xariga Sheekh Mukhtaar Roobow.
Kulanka oo xasaasi ahaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), waxayna odayaasha K/Galbeed ka dalbadeen Ra’iisal wasaare Kheyre ka dalbadeen qodobo ay ka mid yihiin: in dib u heshiisiin laga sameeyo degaanada K/Galbeed, in dowladda ay magdhow iyo raaligelin ka bixiso dadkii ciidamadeeda ku dileen magaalada Baydhaba iyo xoriyadiisa lo soo celiyo Sheekh Mukhtaar Roobow.
Wararka ayaa sheegaya in shirka odayaasha iyo Ra’iisal wasaaraha looga hadlay arrin cusub oo shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, taasoo ahayd in ciidamada amniga ay toogasho ku dileen wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Deerow Aadan, kadib markii Gaari uu la socday laga shakiyey.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa inuu booqdo qoyska uu ka geeriyooday wiilka shalay lagu dilay magaalada Baydhaba.