Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, July 9
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Somalialnd ka dalbaday inay sii deyso Cabdimanaan Yuusuf

    Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Somalialnd ka dalbaday inay sii deyso Cabdimanaan Yuusuf

    July 30, 2020Updated:July 30, 20203 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed oo maanta kulan isugu yimid magaalada Muqdisho ayaa sharcidarro ku tilmaamay xarigga Cabdimanaan Yuusuf Maxamed Guddoomiyaha Guud ee Astaan Cable, uu muddo 15 cisho ugu xiran yahay magaalada Hargaysa.

    Kulankaan oo ay ka soo qabgaleen odayaal gaaraya 30 oday dhaqameed oo isugu jira Ugaasyo, Salaaddiin, Wabarro, Imaamyo, Nabaddoono, Garaadyo iyo cuqaal kale ayaa sheegay in Cabdimanaan uu u xiray shaqsiyaad shaar maamul huwanaya oo damac gaar ahi uga jiro inay hantidiisa dhacaan, waxay carabka ku dhifteen Ku Xigeenka nabadsugidda Soomaaliland  Faysal Guhaad  uu si shaqsi u xirtay isagoo ay wehliyaan rag ka tirsan beesha Madaxweynaha Soomaaliland.

    “C/manaan waa nin aqoonyahan Soomaaliyeed oo hal abuur leh, waxaan aaminsanahay inuusan wax dambi ah ka gelin dadka iyo maamulka Soomaaliland toona, balse la doonayo in xoolihiisa lagu xalaalaysto iyadoo loogu marmarsiyoonayo inay qaraabo yihiin mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal laga  soo saaray shirkooda  jaraa’id.

    Waxayna intaa ku dareen inaysan marnaba aqbali doonin damacaas qaldan oo shaqsiyaad gaar ahi ku doonayaan burburinta shirkadda Astaan Cable oo ay hanti ku wada leeyihiin ganacsato ka soo jeedda dhammaan beelaha Soomaaliyeed oo ay ku jiraan ganacsato ka soo jeedda Somaliland.

    Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ayaa xusay in falkaas lagu xiray Cabdimanaan uu horseedi karo inuu kala shaki ku kala abuuro ganacsatad Soomaaliyeed ee sida xorta ah uga kala ganacsada magaalooyinka Soomaaliyeed, iyagoon u baqayn naftooda iyo maalkooda.

    “Marqaati uma baahna in ganacatada Somaliland ee ka ganacsata Koonfurta Soomaaliya inay Sharaf iyo magacba ku haystaan  Muqdisho iyo magaalooyinka kaleba, mana qabaan welwel ku saabsan naftooda iyo hantodooda” ayuu yiri Ugaas Cali Xaashi Ugaas Axmed Nuur oo ka mid ahaa odayaashii goobta ka hadlay, wuxuuna ka dalbaday maamulka Somaliland gaar ahaan Madaxweyne Muuse Biixi in Cabdimanaan xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo.

    Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed waxay farriin gaar ah u direen Waxgarada iyo Odayaasha Dhaqanka beelaha Soomaaliland oo ay ka codsadeen inay arrinta Cabdimanaan soo farogeliyaan, oo aysan yaraysan si ganacsiga Soomaaliyeed aan xuduud loo kala yeelin.

    Cabdimanaan Yuusuf Guddoomiha Guud ee Shirkadda Astaan Cable waxaa goor habeen ah oo ku beegnayd 17kii bishan July xoog ku kaxaystay ciidan hubaysay oo la sheegay inay ka tirsanaayeen nabadsidda Soomaaliland, ilaa iyo haddana lama oga dambiga lagu haysto.

    Odayaashii Dhaqanka ee maanta ka qaybgalay shirkii jaraa’id waxaa ka mid ahaa:

    • Ugaas Cali Xaashi Ugaas Axmed Nuur
    • Ugaas Maxamed Bashiir Ugaas Xasan
    • Ugaas Bashiir Ereg
    • Ugaas Cali Ugaas Xasan
    • Ugaas Shire Ugaas Warsame
    • Nabaddoon Max’ed Xuseen Axmed
    • Nabaddoon Beddel Jamac Xirsi
    • Nabaddoon Cabditoox Yare
    • Nabaddoon Hilowle Macllin Yacquub
    • Nabaddoon Max’ed C/llahi Goosaar
    • Islow Cismaan Sheekh Xasan
    • Garaad Xasan Garaad Max’ud Garaad Cagay
    • Suldaan Mahdi C/risaaq
    • Suldaan C/llaahi Waamo

    Iyo Odayaal kale.

    C/manaan Yuusuf Maxamed Cabdi-manaan Yuusuf Odayaasha dhaqanka Somaliland Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXukuumadda xilka sii heysa oo Ansixisay 3 Heshiis oo waaweyn iyo 4 Guddi oo la magacaabay
    Next Article Golaha Wasiirada xilka sii-haya oo magacaabay Mas’uuliyiinta Hay’adda Batroolka Somalia (Akhriso Magacyada)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo