Shalay waxaan dhageystay war kasoo baxay Odayaasha Jigjiga kuna saabsanaa arinka C/karin Qalbi-dhagax, laakin lagu daray aragtida Qadiyada Somali-weyn! Mana garanayo xiriirka ka dhaxeeya; Qadiyada Somali-weyn iyo Qadiyada Qalbi-dhagax ee maanta taagan?.
Waxaan la yaabay ama is weydiiyey su’aalahaan;
1. Sidey reer Jigjiga oo bilaabay, laf-dhabarna u ahaa oo hogaaminayey Qadiyadii Somali-weyn iyo halgankii lagu waayey dad iyo hanti badan ey maanta ugu tilmaami karaan; fikrad guracan, fikrad haraadi ah, marin-habaabin ah, nasiib-daro ah, dib u dhac ah iwm?.
2. In loo fasiro halgankii gobalkaas ka bilawday ee Axmed Gurey, Daraawiish, SYL, 1964, 1977; in uu ahaa gardaro, Qadiyadii loo dagaalamayna ay qalad aheed?.
3. Hadii dawlada Itoobiya ay la heshiiyeen, markii horena dagaalka ay ka dhigeen mid u dhaxeeya Itoobiya iyo Somaliya! Maxey ugu guulaysan waayeen in ay heshiisiiyaan Somaliya iyo Itoobiya! Maxeyse tahay danbiga ay gashay Somalidu hadii ay weli difaaceyso Soomaalinnimo?.
4. Hadii Odayaasha Jigjiga ay Adeer iyo Suldaan u yihiin C/karinin, kana xigsadeen Somalida kale, sidoo kalena ay Adeer u yihiin Madaxweyne Axmed Madoobe, Xildhibaano iyo Wasiiro Fedaraalka Somaaliya ah! Maxey ugu yeeri waayeen in ay iska xaadiriyaan Jig-jiga?.
5. Hadii Odayaashu ku faraxsanyihiin in wiilashoodu Madax kawada yihiin, fursadana ka wada heystaan Itoobiya, Kenya iyo Somaliya, iyaguna Xorr u yihiin in wadamadaas oo dhan Salaadiin ka wada noqon-karaan! Yaa faa’iida ku qaba Somali-wayn?.
6. Hadii aad ku guuleysateen in aad heshiisii-saan maamulka Jigjiga iyo dawlada Itoobiya! Maxaad u heshiisiin-weydeen ONLF, C/karin, Cabdi M. Cumar iyo dawlada Itoobiya oo wada ah Ilmihiina! Hadii Caruurtiinii aad kala doorateen! Maxaad ku eedeyney-saan Somaali hadii ay wada jecelyihiin wiilashiina?.
7. Wiilka Madaxweynaha ku noqday halgankii Jabhadaha Gobalkaas iyo Somali-weyn iyo kan Maxbuuska ah sow isku xuquuq iyo ilma adeer ma ahan! (Labada wiil halna wareey, halna weer ka yeel hadoo wareey wadaa) sow ma habooneyn in aad labada wiil heshiisii-saan, Somalidana u mahad-celisaan?.
8. Ma la gaaray xiligii dib-u eegis lagu sameyn lahaa aragtida Somali-weyn! Hadii Somali-galbeed ku tilmaameyn aragti did-u dhac laga dhaxlay?.
W/Q: Dr. Maxamed Gacal
Wasiiru dowlihii horeee Arrimaha dibadda Soomaaliya