Odayaasha Dhaqanka Koonfurta Soomaaliya iyo kuwa Gobolka Banaadir ayaa iclaamiyay kacdoon ka bilaaban doona magaalada Muqdisho, iyadoo ugu baaqay ciidamada shisheeye iyo beesha caalamka inay isaga baxaan magaalada Muqdisho.
Kulan balaaran oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayna ka qeyb galeen madaxda dhaqanka Koonfurta Soomaaliya ayaa si kulul looga hadlay sida Gobolka Banaadir loo duudsiiyay xaqii ay ku lahaayeen Aqalka sare ee dalka, waxayna si cad u sheegeen inay diideen waxa ka socda Muqdisho.
Imaamka Beelaha Koonfurta Imaam Maxamed Yuusuf ayaa si cad u sheegay inaysan jirin dowlad ka dambeysa oo ah wax ka sugayaan, wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka inay Muqdisho uga baxaan muddo 48 saacadood ah, isagoo dadka kale ee Soomaalida ahna ugu yeeray inay goboladooda ku noqdaan.
“Waa na arki doonaan kuwa xuquuq la’aanta dhigay gobolka Banaadir, kuwa hoteelada jiifa ee dowladnimada sheehgtay dhulkooda ka tageen, gaalada la baxday beesha caalamka muddo 48 saacadood ah, waan inay uga baxaan Gobolka Banaadir, haddii kale wixii ku yimaada iyagaa ka mas’uul ah”
DHINACA SARE KA DAAWO VIDEO
Wadani.com