Waxgarad iyo Odayaal kasoo jeeda Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa ka hor yimid qorshaha IGAD ee shirka Jowhar.
Odayaasha ayaa ku eedeeyay inay IGAD faragelin toos ah ku hayo shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo lagu wado inuu maanta dib uga furmo Jowhar, waxayna si kulul u sheegeen inaysan aqbali doonin qorshaha IGAD.
Waxaa soo shaac baxay qorshe IGAD ay ku wado inay madaxweyne kasoo jeeda Hiiraan ay ku caleemo saarto shirka Jowhar.
DHAGEYSO ODAYAASHA SH/DHEXE
Wadani.com