Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in la xareeyay Odayaashii Beelaha Galmudug ee soo xuli lahaa xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Galmudug.
Munaasabad xalay ka dhacay magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa soo dhoweyn loogu sameeyay Odayaasha Saxiixayaasha ah ee Beelaha Galmudug, iyadoo uu kulankaasi ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo odayaasha ka codsaday inay 20 xildhibaan u qoondeeyaan Ahlu suna.
Jadwalka Doorashada ee Galmudug ee Guddiga Maamuu u sameynta ayaa lagu sheegay in Baarlamaanka cusub ee Galmudug ee fadhigisa ugu horeeya yeelan doono maalinta ugu dabeysa ee sanadkan 2019 oo la dhaarin doono.
Waxaa weli jira odayaal la bedelay iyo Beelo dood ka qaba dadka ay soo xuleen Guddiga Doorashada, iyadoo toddobaadka soo socda uu noqon doono kan ugu muhiimsan doorashada mudadda dheer soo jiitameysay ee Galmudug.