Shir ay magaalada Kismaayo ku yeesheen odayaasha dhaqanka beelaha Jubbaland ee taageersan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay inay dowladda Somalia faragelin ku heyso maamulkaasi.
Odayaashan oo qaarkood ka mid yihiin odayaasha 135 ee odayaasha Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay7 dowladda Somalia uga digeen inay faraha kala baxdo doorashada Jubbaland, iyagoo caddeeyay inay taageersan yihiin howsha uu wado Guddiga Doorashada iyo Xuduudaha Jubbaland ee uu magacaabay Axmed Madoobe.
Odayaashan oo la hadlay TV-ga mamulka Jubbaland ayaa ku dooday in dowladda Federaalka ay qas ka wado Jubbaland ayna dooneyso inay farageliso doorashada madaxweynaha ee Jubbaland ee lagu wado inay bisha soo socoto ka dhacdo magaalada Kismaayo.
Odayaashan ayaa ku dooday in dhamaan odayaasha dhaqanka Jubbaland ay ku sugan yihiin magaalada Kismaayo marka laga reebo 2 oday oo ay ugu baaqeeen inay magaalada Kismaayo yimadaan.
Musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku eedeeyay Axmed Madoobe inuu qortay odayaal isaga taageersan oo aan sax ahayn, waxayna qaadaceen Guddiga Doorashada iyo shuruudaha uu soo saaray ee musharixiinta madaxweynaha Jubaland.
HOOS KA DAAWO
