Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Odoroska xaaladda is-mari waagga Siyaasadda Soomaaliya waa dagaal (Qormo Saadaalin ah)

    Odoroska xaaladda is-mari waagga Siyaasadda Soomaaliya waa dagaal (Qormo Saadaalin ah)

    November 30, 2020Updated:December 10, 20206 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    W/Q: Dr. Maxamud M Culusow

    Ugu horreyn, waxaan ka afeefanaya in aan qoraalkaan loo fasiran inaan taagerayo colaad Soomaaliyeed, waxaana ilaahey ka baryaya in Soomaaliya uu ka dhigo dal nabad iyo barwaaqo ah. Haseyeeshe lix (6) arrimood ayaa abuuray xaalad aan laga bixi karin dagaal la’aan. Lixda arrimood waxay kala yihiin:

    1. Dowladda Soomaaliya waxay burburtay 1991. Hoggaaminta dalka waxaa gacanta ku dhigay beesha caalamka, Golaha Ammaanka ee QM wuxuu Soomaaliya u aqoonsaday dal ku jira xaaladda nabadgelyo xumo ee ku tilmaaman qodobka VII ee Axdiga QM. Sidaa awgeed, waxaa Soomaaliya loo soo diray ciidammo ka socda dalalka Geeska Afrika. Waxaa la isku waafaqay in geedisocodka dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya loo maro dhabbaha dib u heshiisiinta iyo talo wadaagga waafaqsan nidaamka dimoqradiga, lana tijaabiyo habka federaalka ama ismaamul hoosaadka. Labadaas rukun waxay ku cad yihiin dastuurka kmg ee la isku raacay 1da Agoosto 2012.

    Hase yeeshe Madaxweyne Farmajo oo la doortay Febraayo 2017 iyo Taliyaha Nabadsugidda Fahad Yaasin oo dowladda Qadar gacan saar la leh waxay go’aansadeen inay ka leexdaan dariiqii geedisocodka dib u dhiska dowladnimada soomaaliya loo jeexay si xukunka uga bixin gacantooda, ayna adeegsadaan xeelad kasta sida dhaqanka Ururka argagixisada Al Shabab ee ah ciqaabka iyo cabburinta shacabka, dhaqanka ku tumashada dastuurka iyo sharciga, bixinta laalush dhaqaale, darajo, eex, been, kala qaybinta iyo isku dirka bulshada, iyo ku adeegsiga taagero shisheeye: Ethiopia, Eritrea, Qadar.

    2. Faragelinta Dowladaha Ethiopia, Eritrea, iyo Qadar oo Soomaaliya ka abuuray qas siyaasadeed, nabadgelyo xumo, xukun sharcidarro ah, iyo nidaam dowladeed ee ka soo horjeeda dastuurka iyo dimoqradiyada xorta ah.

    3. Guusha dhalanteedka ah ee RW Ethiopia Abiy Axmed ka gaaray dagaalka uu ku qaaday is-maamulka dowlad goboleedka Tigray, dagaalkaasoo labadiisa ujeedo ee ugu waaweyn aheyd in (a) Madaxda Tigray oo Ethiopia soo xukumeysay 27 sano laga saaro damaca is-hortaagga rabitaanka RW cusub Abiy oo ah shakhsi dhallin yar doonaya keligi talisnimo uu dalalka geeska Afrika ugu taliyo iyo in (b) nidaamka federaalka Ethiopia ee ku dhisan qawmiyadaha la baabi’iyo oo ah hadaf qawmiyadda Amxaarada dooneyso.

    Madaxweyne Farmajo wuxuu qaatay afkaaraha RW Abiy Axmed ee uu ku tilmaamo “walaal” iyo Madaxweynaha Eritrea Isaiasi Afwerki oo nidaamkooda dowladnimo ka soo horjeedo nidaamka dimoqradiga ah ee Soomaaliya dooratay. Waxaa jiraa heshiisyo siyaasadeed, dhaqaale, iyo nabadgelyo ee dhexmaray Madaxweyne Farmajo, Madaxweyne Afwerki, iyo RW Abiy Axmed oo aan Barlamaanka Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed aan lala wadaagin ilaa maanta. Soomaaliya oo aysan ka jirin dowlad hanaqaad ah ayaa lagu daraya Ethiopia iyo Eritrea.

    4. Mucaaradka iyo dhibbanayaasha xukunka iyo siyaasadda Madaxweyne Farmajo iyo Fahad Yaasin oo aan haysan dowlad ka jawaabeysa cabashadooda, ra’yigooda, iyo dhalliilahooda ka muwaadiniin soomaaliyeed, taaso keentay inaysan jirin rajo wadaxaajood iyo qaddarinta xaqa ka qayb galka siyaasadda.

    5. Dowladda Federaalka oo cagta saartay waddadii kacaanka milateriga 21 Oktoobar oo 1991 xukunka looga tuuray dagaal, waxayna soo nooleysay ciidankii guulwadayaasha oo hadda loo bixiyay “xoogagga wadaniyiinta,” lana siiyo lacag taaso ka soo horjeeda dastuurka kmg; Ciidammada xoogga dalka, Nabadsugidda, booliska, iyo Asluubta iyo cidammo kale ee ka baxsan dastuurka waxay ku milmeen siyaasadda oo dastuurka ka mamnuucayo; Maxkamadihi, shaqaalaha dowladda, guddiyadii madaxa-bannaanna oo lagu khasbay inay daacad u noqdaan Madaxweynaha ee aysan daacad u noqon dastuurka iyo sharciga lagu dhaariyay, taaso ah dhaqankii xukunkii Milateriga ee kacaanka hantiwaagga ama keliga taliska ahaa, xukunkaasoo ku jira dowladaha taagersan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo.

    Waxaa la xaqiijinaya in dalka Eritrea tababar loo geeyay ciidammo aan la ogeyn waqtiga, habka, iyo nidaamka lagu qoray, kana qayb galeen dagaalka ka socda Ethiopia dhexdeeda, lana filayo in la keeno Soomaaliya waqti dhow si ay horseed ugu noqdaan dagaallo dowladda federaalka damacsan tahay inay dhawaan ka bilawdo Benadir, Hirshabelle, Galmudug, iyo Jubbaland, si loo xaqiijiyo boobka doorashada 2020/2021. 6.

    Madaxweyne Farmajo iyo adeegayaashiisa waxay aaminsan yihiin in maamulka doorashada federaalka mas’uul ka yihiin, mucaaradka iyo muwaadiniinta kalena laga rabo daacadnimo iyo u hoggansanaan awaamirta dowladda federaalka. Madaxweyne Farmajo ma aqoonsana waajibaadka dastuurka federaalka amrayo oo ah in doorashada tahay xil ka dhexeeya mucaarad, muxaafid, iyo dhexdhexaad, waajibkana yahay in doorashada maamulaan dad dhinacyada tartamaya ku kalsoon yihiin, dhexdhexaad ah, doorashada noqoto mid xor iyo xalaal ah, waqtigeeda ku dhacda, daahfuran, loo siman yahay, mucaaradka raalli ka yihiin, korjoogayaal madaxbannaan xaqiijin karaan in doorashada ku dhacday si xaq ah.

    Madaxweyne Farmajo wuxuu diiday inuu si joogta ah ula tashado Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka (National consultative council) ee ansixiyay heshiiska siyaasadeed ee hannaanka doorashada dadban, isla markaa wuxuu diiday inuu fuliyo heshiisyo hordhac u ahaa bilowga hirgelinta hannaanka doorashada dadban.

    Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka waxay markhaati ka yihiin musuqmaasuqa iyo boobka doorashooyinkii ka dhacay DG Koofur Galbed, Galmudug, iyo Hirshabelle oo dowladda federaalka, gaar ahaan Taliyaha Nabadsugidda toos u maamulayaan.

    RWKX Golaha Wasiirrada Mudane Mahdi Guled wuxuu fagaare ka sheegay in doorashada federaalka loo maamuli doono sidii doorashooyinkii ka dhacay DG xusan, natiijadana noqon doonto in Madaxweyne Farmajo guuleysto meertada koowaad ee doorashada oo ah saddex meerto.

    5 bilood ka hor ayaa la ogaa natiijada doorashooyinka 3 Dowlad Goboleed. Musuqmaasuqa, Isla meereysiga, iyo daacad-darrada Madaxweyne Farmajo dartood, waxa aad loogu dhow yahay dhammaadka muddo xileedka Barlamaanka Federaalka iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo oo kala ah 27 Disember 2020 iyo 7 Febraayo 2021.

    Xukunka Madaxweyne muddo xileedkiisa dhammaaday waa sharcidarro, shacabka Soomaaliyeedna waa diidan yahay, waayo waa dhaqan halis ku ah nidaamka dimoqradiga ee la rabo in Soomaaliya laga hirgeliyo si aysan mar dambe u dhicin keligi talisnimo horseed u noqda burbur dowladeed.

    Lixda (6) arrimood ee kor ku xusan waxay abuureen is mariwaa iyo weerar wejiyo badan ee gaar ahaan ku wajahan mucaaradka, taagerayaasha mucaaradka, qof kasta oo samatalis ah, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland iyo cid kasta ee u ololeynsa doorasho xaq ah.

    Sidaa darted, madaama Madaxweyne Farmajo aqoonsaneyn, diidan yahay ilaalinta xorriyada iyo xuquuqda muwaadiniinta soomaaliyeed, ku dhaqanka dastuurka, dhaqanka wanaagsan ee dowladnimo, hirgelinta doorasho xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda, isla markaana beesha caalamka ka gaabsatay inay si degdeg ah u soo dhexgasho ismariwaa iyo colaadda hureysa, waxaa odoroska yahay dagaal khasaaro xun ka dhalan doono.

    Waxaan ilaahey ka baryayaa inuu Madaxweyne Farmajo ku hanuuniyo dariiqa toosan ee ay ku jirto maslaxadda Soomaaliyeed oo ka weyn, kana qiimo badan inuu xukunka ku waaro. Muwaadin kasta ee Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaya inuu damiirkiisa la tashado, wanaagga la safto oo ah doorasho xalaal oo ku dhacda hab waafaqsan nidaam qoran. Sax iyo qalad, been iyo run, sharci iyo sharcidarro waa kala cad yihiin, waana in la kala saara. Haddiise run iyo been kala caddaan waayan, ha lagu talo mustaqbal mugdi ah.

    Dr. Maxamud M Culusow

    Doorashada 2016 Maxamuud Culusow Xaaladda Siyaasadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaleeshiyada Degaanka oo Alshabab dib uga qabsaday Bacaadweyn (Akhriso Qasaaraha culus ee dagaalka)
    Next Article Kenya oo War kasoo saaray Go’aankii Dowlada Somalia. “Ma jiro dalab rasmi ah -Af ama Qoraal- oo na soo gaaray “

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo