Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Ogeysiis Wasaaradda Warfaafinta ku dooneysay Gabdho ka shaqeeya Telefishanka oo Dood weyn dhaliyey

    Ogeysiis Wasaaradda Warfaafinta ku dooneysay Gabdho ka shaqeeya Telefishanka oo Dood weyn dhaliyey

    April 11, 2020Updated:April 12, 20203 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ogeysiis ay baahisay Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya oo ku saabsan gabdho loo qaadanayo Telefishanka Dowladda ayaa dood weyn iyo muran ka dhaliyey baraha bulshada isla markii uu soo baxay.

    Ogeysiiska oo la sheegay inuu diyaariyey agaasimaha Wasaaradda, wasiirkuna la ogaa ayaa lagu qoray shuruudo aan hore loo arag oo ay ka mid yihiin tilmaamaha laga rabo inay yeelato gabadha loo qaadanayo shaqadan oo ay ka mid ahayd:

    • Inay dherer ahaan, miisaan ahaan iyo muuqaalba leedahay qaab Telefishan
    • Inay leedahay cod Warbaahineed iyo hub-qaad wanaagsan

    Boqolaal Soomaali ah oo isugu jira saxafiyiin hore, wasiiro iyo aqoonyahano ayaa si weyn uga falceliyey shuruudahan, waxayna su’aal ka dhalatay waxa loola jeedo ‘hubqaad’, iyadoo shuruudahan lagu tilmaamay takoor ay sameysay Wasaaradda Warfaafinta.

    Waxyar kadib markii Doodda culus ee ka dhalatay Ogeysiiskan ay gaartay madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa laga saaray qodobkii ugu danbeeyay ee ‘Hub-qaadka” ka mid ahaa, taasoo timid markii cadaadis weyn oo la saaray wasaaradda.

    Mar labaad ayey Wasaaradda Warfaafintu bedeshay hab qoraalkii Ogeysiiska iyadoo markan tiimbare iyo astaan wadato, waxaase mar kale lagu heystaa da’da oo ay ka dhigtay 20 ilaa 30 sano.

    QAAR KA MIDA FALCELINTA

    “Bismillah,Wasaaradda Warfaafinta ayaa soo dhajisay 2 fursad shaqo oo gaar loogu qoondeeyay gabdhaha wariyayaasha ah.Balse shuruudaha lagu xiray ayaa fajac igu abuuray. In ka badan 12 sano ayaan wariye iyo tafatire kasoo ahaa warbaahinta caalamka kuwa ugu waaweyn. Waligeyna ma arag takoor, aflagaaddo iyo akhlaaq darro ka weyn middan!Ka sokow inuu faquuqan kasoo horjeedo mabaadii’da aasaasiga ah ee dastuurkeenna, wuxuu kaloo gef weyn ku yahay Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Wasaaradda Warfaafinta waxaa la gudboon inay la noqoto iidhehdaan, maxaa yeelay waxaa kasoo uraya ujeeddooyin kale. Sidoo kale, waa inay raalli galin siiso gabdhaha Soomaaliyeed. Wabillahi Towfiiq” –Wasiir hore C/raxmaan Ceynte-


    Ma Journalist ayaa la raadinayaa mise gabar model ah? Runtii waa arin aad u foolxun Dhaqan, diin ahaan iyo Damiir ahaanba -C/risaq Cumar Xildibaan-

    Talefishinka Qaranka Soomaaliya ayaa xayeysiiyay 2-shaqo oo shuruudo lagu xiray: 1: Qof dumar ah 2: Shahaaddo jaamacadeed 3: Ka yar 25 4: Dherer, misaan iyo muuqaal gaar ah leh 5: Cod iyo hub-qaad (dharxirasho) wanaagsan. ARAGTIDEYDA WAA TAKOOR MEESHII UGU SARREYSAY. -Maxamed Xaraarre- Weriye BBC-

    Ninkii soo qorray ma ahan qof u baahan gabadho wariye ah, ee waa Nin ka hadlay Gabadha u rabo inuu shukaansado ama indhaha ku nuur nuursado marka ay agmareyso? -Yasmin Jamac-

    Wasiir mareye waku heysata ee amba masuuliyadda dusha saaro oo warkaaga caddayso shukaansi shaqa kubedel inay meesha kasocoto,misa shaqaalahaaga kala huf oo umadda soo hor istaag!Wa Corona kale raga. -Maryan Barre Weriye VOA-

    Shaqo bannaan SNTV Wasaaradda warfaafinta
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDhaqtar shaaciyey in laga helay Cudurka Coronavirus oo farriin u diray Dadweynaha
    Next Article Xarakada Islaax oo soo saaray talo soo jeedin ku saabsan Xaaladda Cudurka Covid-19 (Akhriso)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo