Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Ololaha Doorashada Farmaajo oo lagu furay ‘Halheys’ lala yaabay iyo jawaabo culus

    Ololaha Doorashada Farmaajo oo lagu furay ‘Halheys’ lala yaabay iyo jawaabo culus

    May 6, 2022Updated:May 7, 20222 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ah madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee xilka banneynaya ayaa markii ugu horeysay Baraha bulshada ka bilaabay ololihiisa Doorashada, xilli shaki laga qabay inuu mar kale xilka u tartamayo.

    Farriintii uu horeysay ee ololaha doorashada Farmaajo ayaa cinwaan kooga dhigay “Isbedel doonka socda” taasoo la yaab ku nqootay dad badan, iyadoo shan sano kadib uu Musharax Farmaajo doonayo inuu ku ololeeyo ‘ISBEDEL’.

    Dad isugu jira siyaasiyiin, Aqoonyahan iyo shacab ayaa ka falceliyey ololaha doorashada Farmaajo iyo sida uu ku bilowday, waxayna qaarkood Duqa ku tilmaameen Nin riyo ku jira, halka qaar kale ay eedeeyeen kooxda ololaha Farmaajo.

    Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa falcelintiisa ku yiri: “Shan (5) sano kadib hadiiba Farmaajo uu maanta leeyahay ‘ISBEDDEL DOON AYAAN AHAY’, wallee waxaan hubaa GABOW MOOYEE IN UUSAN GARAAD U KORDHIN shantii sano ee uu Villa Soomaaliya joogay! Markaan oo kale waxa igu soo dhacda maansadii Abwaan Gaariye AUN ee ahayd: “Hadaan Guga kuu kordhaa gabow mooyee ku tarin garaad iyo waayo arag ilayn wax ma dhaantid geed”.

    Jaamac Dabaraani -afhayeenka Musharax Siciid Deni ayaa qoraalkan kooban ku fal celiyay: “Awooda Isbedel doonku waxay gaartay heer kii la bedeli lahaa, isna uu qirto oo u baahdo in la bedelo!“

    Xildhibaan hore Axmed Macalin Fiqi ayaa isna qoraalkan ku jawaabay: “Kalimaddda isbededoonka socda sow lama micno ahan kii isebdelka rabay ee awooddu ay ku yaraatay dabadeedna huleeley! Waa ninkeed sheega ma dhaafto ama sida waayadan danbe socotay in odagu uu quustay oo uu doonayo isbedeldoonka socda in uu wax ku callaasho. Talo ma seegin! Labada dhinacba kii loo qaado duqii waa ku daayay ayaa soo baxayso kalase roon.!.Waxaa kale oo dhici karta odayga in laga adeegtay oo niman raba in ay daba goostaan ay soo curiyeen hal-hays aan xaaladda iyo waqtiga la joogo midna ka turjumayn, waana kuwii wadada ka lumiyey shantii sano ee la soo dhaafay! Hal-hayska Farmaajo waa isbedelka haloo hiiliyo!”

    Doorashada Farmaajo Ololaha doorashada Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMusharax Madaxweyne Xasan Kheyre iyo Waxqabadkiisii Hannaanka Deyn Cafinta
    Next Article Golaha Amniga Q/Midoobay War kulul kasoo saaray weerarkii Alshabaab ee Ceelbaraf

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo