Olole looga horjeedo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sii fidaya dalka Mareykanka kadib markii uu si isku mida u cambareeyay cunsuriyiinta Caddaanka ah iyo dadka xuquuqdooda u dooda.
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale labada dhinacba ku eedeeyay daganaansho la’aanta deegaanka Charlottesville ee ku yaalla gobolka Virginia ee dalka Maraykanka.
War qoraal ah oo uu soo saaray Isniintii ayuu madaxweynuhu ku cambaareeyay dadka cad ee cunsurinamadoodu xad dhaafka tahay. Laakiin isaga oo Talaadadii ku sugan magaalada New York ayuu qolyaha garabka-bidix ku eedeeyay in ay dhibaatada qayb ka yihiin.
Sidoo kale wuxuu difaacay wakhtiga ay ku qaadatay in uu qoraal ka soo saaro xaaladdaas, isaga oo sheegay in uu rabay in uu helo xogta dhabta ah ee arrintaas ku saabsan oo dhamaystiran.
Trump ayaa Sabtidii iyo Axaddii si gaar ah loogu eedeeyay in uusan cambaaraynin kooxaha ay aragtidoo garabka fog tahay.
Heather Heyer oo 32 jir ah ayaa dhintay, 19 kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii gaari la mariyay dad mudaaharaadayay Sabtidii oo ka soo horjeeday qolyaha ay aragtidoodu midig fog raacsan tahay ee ku sugan Charlottesville.
Trump ayaa sheegay in gaariga lagu dhex eryay dadka uu waji gabax ku yahay isaga iyo dalkiisaba.