War farxad ah ayaa u soo yeeray Mareykanka, Orodyahanka Soomaaliga asalkiisu yahay ee reer Minnesota Hassan Maed iyo Soomaalida kadib markii xiriirka adduunka ee ciyaaraha fudud uu sheegay in orodyahanka uu u soo gudbay Fiinaalka tartanka 5000 Mitir.
Go’aankan ayaa ka dambeeyay markii dacwad ay gudbiyeen kooxda Mareykanka iyo orodyahanka, taasoo keentay in dib loo daawado Video-ga orodkii shalay shalay galabtii xilliga Muqdisho, waxaana xiriirka adduunka ciyaaraha fudud IAAF uu qaatay go’aan ah in Hassan Maed oo safto kulanka fiinaalka ee ciyaartaasi oo sidoo kale uu safan doono Orodyahanka reer Britain ee asalkiisu yahay Soomaaliga Mo Farah.
Hassan Maed ayaa kufay intii uu socday tartankii Orodka 5000 mitir ee shalay wuxuuna sigay oo isna dhici gaaray Mo Farah, laakiin waxaa la yaab kale noqotay in labadaba ay hadda fiinaalka safanayaan oo ay soo wada baxeen.
DAAWO SIDII UU U DHACAY HASSAN MAED
GO’AANKA IAAF
Jury of Appeal decision
After examining new video evidence Hassan Mead is advanced to the Final#Rio2016 pic.twitter.com/TO8ryvgKmR
— World Athletics (@WorldAthletics) August 18, 2016
Wadani.com